Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Bari ee Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari Maamulka Puntland.
Diyaaradaha nooca  aan duuliyaha laheyn oo loo maleynayo in uu leeyahay Mareykanka ayaa la sheegay inay duqeyntaas ka fuliyeen deegaanka Miraalle oo 28km dhanka bari uga beegan Magaalada Boosaso,iyaga oo kaashanaya Ciidamada PSF Puntland.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas ay ka dambeysay kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu deegaanka Duqeynta ka dhacday dagaal ku dhexmaray Kooxda Daacish iyo Al-Shabaab.
Saraakiishu sidoo kale waxa ay sheegeen in duqeyntaas lagu dilay 8 ka mid ah Al-Shabaab,waxaana deegaanka duqeynta ka dhacday uu yahay dhul buuraley ah.
Mareykanka ayaa todobaaadyadii lasoo dhaafay waxa uu kordhiyay duqeymaha uu la beegsanayo Saldhigyada Al-Shabaab,waxaana shalay War kasoo baxay Africom lagu sheegay in deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose duqeyn ka dhacday ay ku dileen 62 Xubnood.