Howlgal ballaaran oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno hoos yimaada Degmooyinka Ruuni-nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Howlgalka oo dhowr jeer la fuliyay ayaa lagu garaacay fadhiyadii Al-Shabaab, waxaana lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda, iyadoo sidoo kale la burburiyay gaadiid iyo goobo ay ku sugnaayeen dagaalamaayaal.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa guulo waaweyn ka sheegay howlgalka, iyaga oo tilmaamay in duqeymahaasi ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxda Al-Shabaab ee ka howlgasha gobolladan muhiimka ah.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ku xoojinayaan nabadgelyada, waxaana si gaar ah loogu beegsaday saldhigyada Al-Shabaab ee ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Dowladda ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan.
Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa in la kordhiyo taageerada cirka ee howlgalka, taas oo qayb ka noqon doonta istiraatiijiyadda guud ee lagula dagaallamayo AS.