Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah goobihii uu sida gaarka ah u saameeyay Roobabka deerta ah ee saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay  Muqdisho.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku amray howl wadeenada Dowlada hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir in la xoojiyo gurmadka dadka danta yar oo ay sameeyeen Roobabkii ka da’ay Caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale Guddoomiyeyaasha degmooyinka faray in la dardargaliyo howlaha biyaha looga saarayo waddooyinka Magaalada Caasimadda ee Muqdisho si ay u fududaato isku socodka gaadiidka iyo bulshada.
Guddoomiye Cumar Filish goobaha uu booqday waxaa kamid ah degmooyinka Shangaani Xamar Weyne, Wadada horumarta school Boloosiya, Warta KM-4 iyo Wadada Ceel Qaloow goobahaas oo kamid ah meelaha uu saameeyay Roobkii ka da’ay Caasimadda.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka da’ayey roobab xoogan oo biyo farabadan dhigay waddooyinka qaarkood, waxaana marista wadada ay ku adkaatay gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyadoona roobabka lagu qabowsaday…