Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Madaxa Hey’adda I.O.M u qaabilsan Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyaga oo kawada hadlay dadargalinta sidii xalwaara looga heli lahaa maareynta Barakacayaasha ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen xafiiska Xalka Waara ee Gobolka Banaadir (DSU) ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray muhiimada ay lee dahay xal u helida Barakacyaasha iyo sidii la isaga kaashan lahaa qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan dib u dajin loo sameeyo Barakacayaasha Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in siyaasad cad uu ka lee yahay sidii xalwaara loogu heli lahaa arrimaha la xariira maareynta nolasha dadka Barakacyaasha ah, maadaama Muqdisho ay isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah.