Muqdisho – Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa shaaca ka qaaday in uu isbedel ballaaran ku sameyn doono habka loo magacaabo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir. Amiir ayaa si cad u sheegay in nidaamka awood-qeybsiga qabiilka ee lagu saleyn jiray magacaabista guddoomiyeyaasha degmooyinka uu meesha ka saari doono, taasoo noqon karta tallaabo dhaxal gal ah oo ka turjumeysa hannaanka dowladnimo ee uu hiigsanayo.
Mar uu ka hadlayay arrintaas, Duqa Muqdisho ayaa xusay in uu si cadaalad ah u magacaabi doono guddoomiyeyaasha degmooyinka, isagoo tusaale u soo qaatay in uu fursad siinayo dadka kartida leh, iyadoon la eegaynin qabiilkooda. “Haddii shan qof oo walaalo ah aan u arko inay waxqabad leeyihiin, waxaan u kala dhiibayaa shan degmo,” ayuu yiri Amiir, taasoo muujinaysa sida uu uga go’an yahay ciribtirka nidaamka qabiil ku saleysan ee magacaabista.
Guddoomiyaha cusub wuxuu sidoo kale si adag uga hadlay saameynta taban ee ay leedahay qabyaaladdu marka ay ku lammaan tahay hannaanka maamul ee degmooyinka. “Degmooyinka la qabiileystay ma shaqeyn doonaan,” ayuu yiri, isagoo carabka ku adkeeyay in magacaabista guddoomiyeyaasha lagu saleyn doono kartida iyo waxtarka qofka ee aan lagu xulan doonin qabiilka uu ka soo jeedo.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa muddo dheer lagu magacaabayay hab qabiil, taasoo keentay in horumarka degmooyinka uu ku xirmo danaha beelaha halkii laga eegi lahaa danta guud. Sida caadiga ah, ka hor inta aan la magacaabin guddoomiye cusub, waxaa horey loo ogaan jiray qabiilka uu ka soo jeedo, taasoo meesha ka saareysay tartan furan iyo xulasho cadaalad ah.
Hase yeeshee, ballanqaadka cusub ee uu sameeyay Guddoomiye Amiir wuxuu noqon karaa mid wax ka beddela nidaamkaas, isla markaana horseeda maamulka degmooyinka in lagu saleeyo waxqabad, aqoon, iyo karti. Tallaabadan ayaa hadii si dhab ah loo hirgeliyo, noqon karta mid yareysa eexda, musuqmaasuqa, iyo kala-qeybsanaanta bulshada ee ay dhaliso nidaamka qabiil ku dhisan.
Shacabka Muqdisho iyo guud ahaan Gobolka Banaadir ayaa si dhow u la socda isbedelkan, iyadoo la eegi doono sida uu uga dhabeyn karo ballanqaadkan uu sameeyay Guddoomiye Amiir. Sidoo kale, waxa la sugayaa sida uu u wajihi doono caqabadaha ka dhalan kara isbedelka uu wado, maadaama nidaamka qabiilku yahay mid si qoto dheer ugu lammaan siyaasadda dalka.
Waxaa la is weydiinayaa: Ma noqon doontaa ballanqaad fuli doona mise waxay noqon doontaa hadal siyaasadeed oo aan ficil laheyn? Waqtiga ayaa bixin doona jawaabta su’aashaas.