Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa mar kale ka hadlay goobaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya ee ku yaalla qeybo kamid ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaale oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay xasiloonida, horumarinta magaalada iyo ilaalinta dhaqan wanaagsan, isla markaana aysan marnaba aqbalin doonin wax kasta wax u dhimaya bulshada.
Sidoo kale Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa waxaa uu tilmaamay inay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta mustaqbal dhallinyada Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu dalka, isagoona xusay in aysan aqbaleynin inay sameeyaan Anshax xumo.
“Magaaladan waxaan u rabnaa Xasilooni, Horumar, Bilic iyo Dhaqan wanaagsan, sidaas darteeda ma aqbali doono waxkaste oo wax udhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo Anshaxa Suuban,waxaana mas’uuliyad inaga saaran ilaalinta mustaqbal dhallinteena Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo†ayuu yiri Madaale.
Xalay ayey aheyd markii Duqa Muqdisho uu albaabada isugu dhuftay goobo lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaallay xeebta Liido ee degmada cabdicasiis, waxaana muuqaalo lagu faafiyay baraha Bulshada lagu arkayay Guddoomiye Madaale oo Ul la dhacaya rag iyo dumar uu ugu tagay iyaga oo hal goobo ku isticmaalayay maandooriye noocyadiisa kala duwan.