Diyaarado xamuul oo lagu soo raray Gargaar Aadminimo ayaa waxay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Al-Arish ee dalka Masar, iyadoo Shixnadahaasi loogu talagalay dadka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Qasa.
Diyaarado xamuul oo ka kala yimid dalalka Turkiye, Algeria, Iraq, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ayaa shalay oo Isniin ah soo wada caga-dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee Al-Arish oo ku yaalla meel wax ka yar 5 KM u jirta Macbarka Rafax ee u dhexeeya xuduudka Masar iyo Marinka Qasa.
Sidoo kale, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay soo dirtay Labo diyaaradood oo Shixnad Gargaar oo loogu talagalay dadka ku nool magaalladda go’doonsan ee Qasa.