Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan doceed la yeeshay intii lagu guda-jiray kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay ugu gogol-xaarayeen Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka ee ay martigelinayso Caasimadda Gambia ee Banjul,
dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, iskaashiga iyo Qurbo-joogta Muritaaniya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Muritaaniya, Dr. Mohamed Salem Ould Merzoug, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa la isku eegay qoto-dheeraynta iskaashiga labo geesoodka si loo gaaro barwaaqo wadaag, iyadoo taasi uu barbar-socday ka hadalka xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ah ee muhiimadda u leh labada dhinac.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah wafdiga ka socday dhanka Soomaaliya oo uu ku jiro Dr. Cabdulqaadir Macallin Nuur (Khaliif), Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamka, Xildhibaan Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadam oo ah musharraxa Soomaaliya ee xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed,