Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi waxay sheegtay in Hawlgal lag qabtay 11 qof oo lala xiriirinayo Kooxda Daacish, kuwaasi oo doonayey inay si dhuumaalaysi ah Turkiga kaga soo galaan xuduudka dalka Syria.
Mid ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inuu ahaa Shaqsi aad loo baadi-goobayey oo ka tirsan Saraakiisha Kooxda Daacishta ka dagaalami jirtay Syria.
Ciiddanka Ammaanka Turkiga waxay sheegeen inay 14 Eedeysane maanta oo Talaado ah ka qabteen magaalladda Istanbul, kuwaasi oo lag eedeynayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ee ISIS.