Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, Paolo Gentiloni ayaa ka digay inuu dalka Libya khatar ugu jiro inuu isku rogo Somali oo kale, haddii aan muddo dhowr Toddobaad gudaheeda xal loo helin Xiisadda Libya.
Paolo Gentiloni ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu shalay (Isniin) siiyey Wargeyska Maalinlaha ee La Stampa, wuxuuna xusay inuu xilligu xadidan yahay, gaar ahaan xilligan oo ay Dagaalamayaasha Kooxda Daacish joogaan magaalladda Sirta ee Libya.
Waxa uu intaasi ku daray inay Maleeshiyadda Daacish bishii June ee sannadkan qabsadeen magaalladda Sirta, iyagoo surka ka gooyey 12 dagaalyahanno Maxali ah o oay dagaalamayeen.
“Haddii aysan Wada-xaajoodka Nabadda guuleysanin muddo isbuucyo gudahooda, waxaan nafsad ahaanteenna heli doonaa Dal kale oo Somali Labaad ah (Another Somalia) ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, Paolo Gentiloni, wuxuuna ka digay inay dhibaatadda Libya labo tallaabo oo keliya u soo jirto Xeebaha Talyaaniga.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, Paolo Gentiloni ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Dagaalamayaasha Libiya ee taabacsan Kooxda Daacish kaabiga ku hayaan Badda Mediterranean oo masaafo kooban u jirta Xeebaha dalka Talyaaniga.
© Radio Dalsan