Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalka xoogan ee ka socda magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyo sidoo kale barakac baahsan oo ka dhashay dagaalkaasi.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu baaqay in colaadda la joojiyo, iyadoo beelaha ku dagaalamaya Ceerigaabo, oo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Khaatumo, loo diray baaq nabadeed.
Dagaalka ayaa socday saddex maalmood oo xiriir ah, waxaana xaaladdu sii kacsanaysaa saacad walba. Beelaha dagaalamaya ayaa dagaalkoodu ku baahay qaybo badan oo ka mdi ah magaalada, taasoo keentay khasaare nafeed iyo dhaawacyo badan oo soo gaaray shacabka deegaanka. Barakac ayaa sidoo kale billowday, iyadoo dad badan oo rayid ah ay ka carareen guryahooda, iyaga oo raadinaya meel ammaan ah.
Waxaana doorweyn ku leh dagalka Ceerigaabo labada maamul ee is haysta, kuwaasi oo la sheegay in Ciidamo, hub, iyo saanad dagaal ay ku taageerayaan dhinacyada dagaalamaya, oo u abaabulan qaab qabiil.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in dagaalka si shuruud la’aan ah loo joojiyo, iyadoo si gaar ah u tilmaantay in colaadda aysan xalka ahayn, isla markaana ay u baahan tahay in la helo wada hadal iyo dib-u-heshiisiin dhexmaro dhinacyada.
Culimada iyo waxgaradka labada dhinac ayaa sidoo kale lagu booriyay in ay ka hortagaan sii socoshada colaadda, islamarkaana ay ka shaqeeyaan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.
Waxaa la sheegaya in dagaalka Ceerigaabo uu noqon karo mid saameyn weyn ku yeesha guud ahaan gobolka, iyadoo laga cabsi qabin in colaadda ay ku faafto gobollo kale. Beelaha dagaalamaya ayaa kala taabacsan labada maamul ee Somaliland iyo Khaatumo.