Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Maamule Iskuul oo manta Muqdisho Qarax lagula eegtay, kaasi oo ka mid ahaa Maamula yaasha iskuulaadka ku yaalla Gobolkani Banaadir.
Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda mudane Mohamed Abbi Hassan ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.
Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, oo sida la sheegay lala beegsaday Maamulihii iskuulka degmada Deeyniile Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle), isla goobta ayuuna ku geeriyooday Marxuumku.
Qaraxa kadib Wasaaradda ayaa soo saartay Qoraal, waxaa Ehelkiisa, Bahda Waxbarashadda, kaga tacsiyeeyeen Geerida marxuumka.
“Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda mudane Mohamed Abbi Hassan, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda, waxa ay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Walalkeen Macalin Daahir Xasan Tooxow, oo ka mid ahaa Maamulayaasha Dugsiyadda Dowladda gaar ahaan Maamulaha Schoolka Dayniile oo ku geeriyooday Qarax lagula beegsaday Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. ALLAHA u naxariisto, Ehelkiisa, Bahda Waxbarashadda, Samir iyo Iimaan ALLAHA ka siiyo, annagana gadaashiis nama fitneeyo†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Dowaladda Soomaaliya.