Allaha u naxariistee waxaa xalay degmada Kaaraan gaar ahaan Mowlaca Sheekh Muxyaddiin Celi ku geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyaddiin Celi oo kamid ahaa mashaa’iqda sida siweyn loo yaqaano guud ahaan Soomaaliya.
Sheekha ayaa waxaa uu ahaa caalim lagu yaqaanay faafinta Diinta, sidoo kalena waxaa uu mar soo noqday xilligii sagaashameyadii Guddoomiyihii guud ee hirgelinta Shareecada Islaamka ee Waqooyiga Muqdisho.
Ehelada Sheekha la ayaa sheegay in muddooyinkii dambe uu xanuunsanayay Sheekh Shariif Sheekh Muxyaddiin oo xanuunkii haayay u geeriyooday xalay, waxaana la aasi doonaa salaada Duhur kadib, sida la shaaciyay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo siyaasiyiinta ugu Caansan Soomaaliya ayaa ka hadlay geerida Sheikha, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo tilmaamay in Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin ahaa  caalim diineed iyo aqoonyahan sare oo ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwada Islaamka, waxbaridda ubadka, faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyska, qaraabada iyo ummadda
Sheekh Shariif Sh. Muxyaddiin Celi ayaa da’diisu aheyd 88 sanno, isagoo dhashay sanadkii 1934. Allaha u naxariisto Sheekha ayaa ahaa hoggaamiyaha Jameecada Sheekh Muxyaddiin Celi ee duruqu Suufiya ee Al-qaadiriya.