Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wr kasoo saartay howlgalada ka dhanka ah Daacish ee maamulka Puntland ka wado Gobalka Bari.
Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu bogaadiyay Ciidanka Daraawiishta Puntland ee hawlgalka ka dhanka ah Daacish ka wada Gobolka Bari.
Dowladdu waxaa ay sidoo kale bogaadisay doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira hawlgalkaas.
“Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Soomaaliya kasoo baxay.
Dawladda Federaalka ah waxaa ay sheegtay inay ka go’antahay in ay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha AS iyo Dacish.