Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen 19 dagaalame oo ka tirsan AS, kadib howlgal ballaaran oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan, oo lagu guuleystay, ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaalamayso AS.
Howlgalka koowaad, oo socday muddo ka badan 24 saacadood, ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos timaada Degmada Ruunirgood. Halkaas waxaa isku diyaarinayay xubno badan oo AS, kuwaas oo qorsheynayay in ay weerarro ka fuliyaan gobolka.
Howlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Heelle, oo ah goob istaraatiiji ah, Ciidamada ayaa beegsaday goobo ay ku sugnaayeen AS, waxaana lagu dilay shan xubnood. Sidoo kale Saraakiisha Howgalkaasi hor kacayay ayaa sheegay in Gaadiidka dagaal ay qabsadeen.