Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal xooggan oo Ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalamaayasha AL-Shabaab ku dhex0maray Masagawaay oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Qoraal kasoo baxay Dowaldda ayay guulo waa weyn uga sheegatay dagaalkaasi saaka AL-Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ay Cidanka Dowaldda ay ku lahaayeen magaaladaasi, waxaana Qoraalka lagu sheegay in khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh la gaarsiiyay xubnihii weerarka soo qaaday.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka si guul ah u fashiliyay isku day weerar oo ay Al-Shabaab ku soo qaaday magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud oo dhawaan laga xoreeyay.Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Alshabaab iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay dagaalamaayashii halkaas soo weerartay†ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale War-saxaafadedka Dowladda ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, ayna gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen dagaalamaayasha alshaaab, waxaana laga gubay gaari kale, waa sida lagu sheegay War-saxaafadeedka aksoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in Saddex ka mid ah Ciidamada Qaranka ay ku dhaawacmay hawlgalkaas, Â kuwaas oo xaaladoodu ay ka soo raynayso.