Iyadoo shalay Ciidanka Itoobiya ay dileen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwa kalena dhaawaceen ayaa masuuliyiin ka tirsan dowladda waxaa ay ka degeen Magaalada Adisababa ee Caasimadda Itoobiya.
Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Cali Balcad.
Socdaalka ayaa ujeedkiisa lagu tilmaamay sii anba qaadidda Heshiiskii Ankara, waxaana Dowladda Itoobiya ay si cad u jabisay Heshiiskaasi iyo dil iyo dhaawac Ciidanka Qaranka ugu gaysatay gudaha dalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliyaa ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’a tahay ilaalimta waxyaabihii lagu heshiiyay.
Bulshada Soomaaliyeed ayay layaab ku noqotay sababta Itoobiya oo gudaha dalka ka gaysanaysa falal gurracan aysan dowladdu tallaabo muuqata u qaadin, waxaana Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ay ka degeen Caasimadda Itoobiya.