Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiiru dowlaha Khaalid Cumar Cali, Wasiir ku-xigeenka Axmed Cali Maxamed “Kadiye†, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti geeridii ku timid Allah u naxariistee Danjire Roble Olhaye oo 22 July 2015 ku geeriyooday dalka Mareykanka , isagoo ahaa Ergeyga Dowladda Djibouti u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee New York iyo Danjiraha u fadhiya Magaalada Washington .
Marxuum Roble Olhaye oo ka mid ahaa Safiirada khibradda dheer ee dalkaasi Djibouti ayaa lagu xasuustaa kaalintiisa muuqata ee uu ka qaatay xal u raadinta wadamo qalalaase siyaasadeed iyo ammaan uu ka jiray oo ay ka mid tahay Haiti.
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, qoyskiisa , eheladdiisa iyo asxaabtiisana Sabar iyo Iimaan ka siiyo – Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN