Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Kuwait ee dalka Boqortooyada Kuwait kaga qeybgaley munaasabadda daahfurka Caasimadda Warbaahinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta oo sannadkan 2025 loo aqoonsadey magaalada Kuwait.
Kulanka daahfurka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wakiilka Boqorka, ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Boqortooyada Kuwait, Mudane Cabdulraxmaan Al Mutairi.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta, isagoo u sharaxay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka, sida ay uga go’an tahay horumarintooda iyo iskaashi Soomaaliya ay dhinacyadaasi kala yeelato waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.