Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn lagu beegsaday Saraakiil ay ka fuliyeen magaalada Jilib ee ay gacanta ku hayaan dagaalamaayasha Al-Shabaab.
Wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in duqaynta lala beegsaday xarunta Al-Shabaab ee Jilib, iyadoo intaa sku dartay inuu khasaare jiro.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in khasaaraha uu isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay, balse lama faah-faahin tirada ama heerka khasaaraha rasmoga ah eek a dhashay weerarkaasi.
Dowladdu waxaa ay sheegtay in Hawlgalkan uu ahaa mid wadajir ah oo ay wada sameeyeen hay’adaha amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sida ay qortay SONNA.
“Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Al Shabab. Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyayâ€ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay warbaahinta Dowladda Soomaaliya.