Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab oo ka socda afar dowlad goboleed, wuxuna sheegay in dowladdu dishay in ka badan 200 oo Al-shabaab ah.
“Ciidanka Xoogga dalka waxay guulo horleh ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Alshabaab. Howlgal ay ciidamada SNA ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug waxa ay ku dileen ku dhawaad 120 ka tirsan Al-shabaab, tiro kale oo badanna halkaas ayaa lagu dhaawacay” ayuu yiri Daa’uud Aweys.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in howlgal kale ay Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay 18 kale ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu ku sheegay inay doonayeen inay weerar ku qaadan xero ciidan.
Waxa uu sheegay in howlgal mar kale ka dhacay gobolka Mudug ay ciidamada xoogga kusoo qabteen Salmaan Daadir ‘oo ahaa sarkaal madax ka ahaa qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka.’
Daa’uud Aweys ayaa intaas ku daray in howlgal kale oo ka dhacay isla gobolka Mudug oo ay ka qeybqaateen Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashana kuwa Daraawiishta Galmudug ay Al-shabaab uga dileen 50 xubnood, isla markaana looga qabsaday deegaanno kale.