Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dagaal ku dishay Ilaa 30 ka tirsan dagaalamaayal ka tirsan AS, tiro intaasi ka badan ayayna sheegtay inay ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.
Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare, kadib markii la helay xogtooda, sida ay sheegeen Saraakiisha dowladda ee Hawlgalkaasi hor kacayay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in xubnaha saree e la dilay uu ka mid ahaa  Maxamed Bashiir Muuse oo dagaalamaayashu ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa xubin ka mid ah Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay inay dishay  Maadey Foodey, waxaana dhaawacyo la gaarsiiyay tiro aad u badan sida saraakiishu sheegeen.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer dagaaalamayaashu  isku qarinayeen.