Dwoladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay dagaal Ciidanka dowaldda iyo AL-Shaabab ku dhex-maray Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo ay ka qayb qaaten saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda ferderaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa sheegay in dagaalka saaka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan dagaaalamaayasha AL-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibbada Caalamka ay dileen 20 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab xilli ay isku abaabulayeen duleedka deegaanka Baladdul Amiin ee Gobalka Shabeellada hoose.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay xarunta Wasaaradda Warfaafinta si wada jir ah ugu qabteen Ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya , Mohamed El-Amine Souef, isagoo intaa ku daray in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
Howlgalkan lagu beegsaday dagaalamaayasha ayaa la sheegay inuu dhacay xilli ay kooxdu si qarsoodi ah isugu aruursanayeen beer ku taalla duleedka deegaanka Baladudul Amiin ee gobolka Shabeellada hoose.