kadib Shirka jaraa’id oo ay maanta magaalada Cadaado ku qabteen wasiirka arrimaha
gudaha dawlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxwayne ku xigeenka dowlad
goboleedka Galmudug oo ay kaga hadleen xaaladaha abaaraha ka jira
deegaanada Galmudug ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa urururada bulshada.
Shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay reer miyiga gobolada Mudug iyo Galgaduud
in qaar badan oo ka mid ah xoolihii dhaafeen, haatana loo cabsi qabo
nolosha dadka, sida uu sheegay Diini Maxamed Diini oo ah Gudoomiyaha Daladda SOCENSA oo halkaasi kahadlay.
Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne xigeenka Galmudug ayaa warfidiyeenada u
sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal sameeyeen una baahanyihiin taageero
caalami ah.
C/raxmaan Odowaa  ayaa sheegay in dawladu ay 3-milyan oo Doller ku taageerayso
hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka socdo.
Wai ma cada sida loo bixinayo lacagahaan 3 million iyadoo la ogyahay in 6 bil aysan mushaar qaadan shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ayuu yaboohan ku soo aadayaa .