Faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda, dadka degaanka oo isku dhinac ah iyo dagaalamaayasha AL-Sahabab, kaasi oo ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Miiroon oo hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana lagu soo waramaya in halkaas uu ka dhacay dagaalkhasaare badan dhaliyay oo u dhxeeeya laabda dhinac.
War lagu baahiyay warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay In ka badan konton dagaalame oo AL-Shaabab ah lagu dilay hawlgalka maanta ka dhacay deegaanka Miiroon oo hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Howgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay dowladdu sheegtay in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah Weerar ku qaaday deegaanka, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howgalkaas ay khasaare ku gaarsiiyeen AL-Shabaab.