Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaankii urur goboleedka IGAD oo maanta ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo arrinta Somalia iyo Ethopia.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga xuntahay hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ee ku aadanaa xiriirka ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Waxaa Dowladda Soomaaliya ay inta aku dartay in nasiib darro uu yahay hadalka IGAD, isla markaana aan lagu cambaarayn  Dowladda Itoobiya oo ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ka soo horjeeda mabaadi’da aasaasiga ah ee UN, AU, IGAD iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku khilaafsan nuxurka qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Fulinta, waxayna u aragtaa mid taageersan dowladda Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Xoghayaha Fulinta inuu si deg deg ah raaligelin uga bixiyo, kana laabto hadalkaas, uuna qaado tallaabada ku habboon†ayaa lagu yiri Qoraalka ay sii daysay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa goor sii horreysay waxaa uu u soo jeedinayaa madaxda urur gobaleedka IGAD in gacanta lagu dhigo xaaladan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD.
Waxaana dowladda Soomaaliya ay hadalkaasi ku tilmaaamtay mid dhinac u janjeera oo aan dhex-dhexaad ahayd, laguna taageerayo dulmiga Itoobiya.