Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo matalaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraytay dowladda iyo shacabka Isbaaniya (SPAIN ) ka dib fatahaaddii ba’aneyd ee ay ku dhinteen in ka badan 63 qof.
Qoraal kasoo  baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Waxaan la wadaageynaa murugada dhacdadan naxdinta leh, annagoo u taagan garab istaagidda qaranka Isbaaniya, waxaana ugu tacsiyadeynaynaa qoysaska iyo bulshooyinka ay dhibaatadu saameysay.Fikraddeena iyo ducooyinkeena waxay la jiraan hoggaanka Isbaaniya, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaare Pedro Sánchez, iyo sidoo kale dadka adkeysiga badan ee Isbaaniya, kuwaas oo midnimadooda iyo dulqaadkoodu muhiim u noqon doonaan waddada soo kabashada. Masiibadan waxay xasuusinaysaa muhiimadda iskaashiga caalamiga iyo diyaar-garowga marka la wajahayo masiibooyinka dabiiciga ah ee na wada saameeyaâ€
Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Soomaaliya sii adkeynayso horumarinta wada shaqaynta caalamiga ah si loo xoojiyo iska caabbinta, loo caawiyo soo kabashada, lana sharfo xiriirka bini’aadannimo ee inaga dhaxeeya xilliyada murugada iyo dhibaatada leh.