Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goor dhow oo waqti dambe ah ku dhawaaqday inay dalka ka eryiday Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyay Go’aanka dalka looga eryay Madeira.
Xukuumadda ayaa Danjire Francisco Madeira ku eedeysay inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, isla markaana uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira fartay in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.