Dowladda Soomaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgallo ka dhanah AS oo laga fuliyay Shabeellaha dhexe.
Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal si weyn loo qorsheeyay xalay ku beegsaday, Xubno sare oo AS ka tirsan, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hawlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, kuwaas oo awoodi waayay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku hawlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran.
Hoos ka akhriso warqadda kazoo baxday dowladda