Iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo farabadan ka dajisay Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa Ciidankaasi waxaa maanta la geeyay magaalada Baladxaawo ee isla Gobolkaasi.
Ciidankaan oo ah kuwo aad u hubeysan ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in ay ku biirayaan askar kale oo ka tirsan Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya  ku sugan xuduudka.
Ciidanka ayaa la sheegay in horay loogu tababaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana dhawaan laga dajiyay Degmada Doolow ee Gobolkaasi Gedo, lamina shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in xiligaan Gedo Ciidankaasi lagu daabbulo.
Gobolka Gedo ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa la geeyay Ciidamo farabadan, kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo geeyay Degaanada Gobolkaasi, gaar ahaan Magaalooyinka waa weyn iyo xuduudka.
Gobolkaasi ayaa hadda wajahaya xaalad nololeed oo aad u liidata, waxaana Gobolka ku dhuftay Abaaro baahsan oo sababay Barakac iyo dhimasho, iyadoo ay intaasi dheertahay qayla dhaanta kasoo yeeraysa dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka Gedo, kuwaasi oo dalbanaya in hay’adaha gar-gaarka iyo Dowladda Soomaaliya in ay soo gaarsiiyaan gur-mad deg deg ah.