Muqdisho โ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah faahfaahin uga bixisay geerida Allaha u naxariistee General Sheegow Axmed Cali oo ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, kaddib xaalad caafimaad oo soo wajahday.
Marxuum Sheegow Axmed Cali, oo ahaa maxbuus u xiran dowladda, ayaa la sheegay inuu muddo la xanuunsanaa cudurka cagaarshowga (Hepatitis B), kaas oo markii dambe isu bedelay kansar beerka ku dhaca. Waxaana si cad u xaqiijiyay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji.
Wasiirka oo si qoto dheer uga hadlay kiiska dhimashada General Sheegow, ayaa sheegay in marxuumku uu muddo dheer la noolaa xanuunka, islamarkaana uu daawooyin joogto ah qaadan jiray. Wasiirku waxa uu sheegay in dowladda aysan wax dayac ah ka gelin xaaladda caafimaad ee marxuumka, isaga oo xusay inuu booqday ehelada iyo qaraabada General Sheegow.
โXanuunka uu la noolaa wuxuu ahaa mid khatar ah, kansarka beerka oo ka dhashay Hepatitis B. Waa cudur adag oo aan laga badbaadin karin haddii aan beerka la bedelin,โ ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.
Geerida General Sheegow ayaa si weyn hadal hayn uga dhalisay gudaha dalka, gaar ahaan baraha bulshada, iyadoo dadka qaarkood ay dowladda ku eedeeyeen in ay dayacday xaaladdiisa caafimaad. Eedeymahan ayaa si adag u beeniyay masuuliyiinta dowladda.
Sidoo kale, madax hore oo dalka soo xukuntay, siyaasiyiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiyeeyay geerida taliyaha.
Warka geerida General Sheegow ayaa kusoo beegmaya xilli ay si isa soo taraysa u kordhayaan cabashooyinka ku saabsan xaaladda caafimaad ee maxaabiista xiran, taas oo kor u sii qaadaysa baaqyada loo jeedinayo dowladda si ay u dardar geliso adeegyada daryeelka caafimaadka gudaha xabsiyada.
Wararka qaar waxay tilmaamayaan in dhaqaatiir dhowr ah ay si dhow ula tacaalayeen xaaladda General Sheegow maalmaha ugu dambeeyay noloshiisa, balse xanuunkiisa uu noqday mid aan la xakamayn karin.