Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan aalada foggaan arag ah ZOOM-ka kula yeeshay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ee Ruushka Timur Maksimov.
Kulanka ay wada qaateen Wasiir Cabdiraxmaan Beyle iyo Timur Maksimov ayaa looga arrinsaday heerka uu marayo geedi socodka deyn Cafinta ee dowladda Soomaaliya iyo Ruushka oo hadda meel gabagabo ah maraya.
Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso iskaashiga iyo taageerada Dowladda Ruushka ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweynaysaa iskaashiga iyo taageerada Dowladda Ruushka ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka†ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo Qoraal kooban soo saaray.