Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in wejiga labaad ee hawlgallada milatari looga dan leeyahay in al-Shabaab waddanka lagaga saaro, waxay dawladdu sheegtay inaysan hawlgalladu istaagayn ilaa buqcad kasta laga saaro al-Shabaab.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa VOA u sheegay in dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ay suurtogeliyeen guulaha ay ciidanku ku gaareen muddo kooban.
“Waxay Al-Shabaab ka xoreeyeen in ka badan 500KM, welina way ku daba jiraan,†ayuu yiri Kamaal Daahuir Xasan Guutaale.
Dawladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan sheegtay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa al-Shabaab lagu dilay in ka badan 3 kun oo ah dagaalamayaal, laguna dhaawacay 3700 lakale.
Dawladda ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in al-Shabaab laga qabsaday 70 degaan, tuulo iyo magaalo.
Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku sheegtay in war saxaafadeedkaas in dalku kusii siqayo wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah alshabaab.
Safiirka Soomaaliya Larry Andre ayaa qoraal uu u diray VOA ku yiri sidan: “Hawlgallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madaxbannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood-meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen al-Shabaab. Soo af-jaridda  Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.â€