Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta xafada suuq Bacaad ee degamda Yaaqshiid waxa ay ku dileyn Nin la sheegay in qof kale uu ku diley gudaha degamda Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir,waxan dilkaasi ka hadlay Wasiirka Amniga Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in Ciidanka Amniga ay khaarajiyeen ninkaasi oo markii hore dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana isla goobta uu dilka ka geystay ay ku toogteen ciidanku.
Waxa uuna sheegay in ninkaasi uu ka tirsanaa Al-Shabaab,balse markii uu dilka geystay,ciidamada dowladdu ay su suurtagashay inay isna goobta ku dilaan.
Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin Warka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee ku aadan in nin ka tirsanaa lagu dilay Magalada Muqdisho ka dib markii uu dil geystay.