Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga, C/salaam Hadliye Omar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska New Times ee ka soo baxa Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali, wuxuuna xusay inay Ciiddanka AMISOM 80 boqolkiina qabteen Hawlaha loo idmaday.
Waxa uu intaasi ku daray inay AMISOM dalka ka bixi doonaan marka ay Ciiddanka Qaranka Somalida awoodaan inay la wareegaan Mas’uuliyadda Ammaanka dalka iyo La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda Caalamiga.
“Ciiddanka Somalia wax fiican ayey haatan qabanayaan,.inkastoo aysan haysanin qalab ku filan iyo taageero ku filan� ayuu yiri Wasiir Hadliye.
Mar wax laga weydiiyey go’aanka ay Dowladda Uganda ku gaartay inay Ciiddankoodda degdeg ugala bixi doonaan Somalia ka hor sannadka 2018-ka, waxa uu Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia sheegay inuusan weli arrinkaasi kala xaajoonin Dowladda Uganda, wuxuuse ammaanay Ciiddanka Uganda ee Somalia joogay 7-dii sanno ee la soo dhaafay.
Wasiir Hadliye waxa uu tilmaamay inuu rumeysan yahay in ay Dowladda Uganda dhamaysan doonto Hawlgalka AMISOM, isla markaana ay Dowladda Somalia taageeri doontan tan iyo inta ay cagaheeda isku taagayso, lana qaadayo Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalka Somalia.
Dhinaca kale,  Wareysiga uu Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga, C/salaam Hadliye Omar siiyey Wargeyska New Times ee ka soo baxa dalka Rwanda waxa kaloo wax laga weydiiyey Dagaalka ay Dowladiisa kula jirto Xarakadda Alshabaab, wuxuuna xusay in la kala dhantaalay Awoodda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
“Dagaalka Alshabaab ma aha Mushkilad Somali, ee waa Mushkilad Heer Gobal iyo Caalami†ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray inay Ciiddamadda ka kala socda Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burundi gacan ka geysteen sidii Alshabaab loo wiiqi lahaa.