Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa ku dhawaaqday in la fasaxay shaqaalaha dowladda Federaalka iyo kuwa aan dawliga ahayn.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Sii-hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dawliga ahayn loo fsaxay munaasabadaha 1-da bisha May oo sannad walba la xuso maalinta Shaqaalaha Adduunka iyo munaasabadaha Ciidul Fidriga.
Shaqaalaha ayaa waxaa lagu Wargeliyay inay fasax yihii laga bilaabo 1-da bisha May oo ku beegan maalinta berri oo Axad ah illaa maalinta talaadada ee todobaadkaan oo ay taariikhda noqoneyso 3-ka bisha May 2022.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeysay dhammaan Shaqaalaha dowladda Federaalka inay qoysaskooda kula qaataan maalmaha fasaxa nabad iyo farxad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad kasta marka laga gaaro Ciiddaha Muslimiinta iyo maalmaha xusaska ee Soomaaliya fasaxda shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dawliga ahayn.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Shaqada.