Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday goor dhow oo Galabta ah waqtiga rasmiga ee la qaadayo Imtixaanka midaysan ee fasalka 12-aad.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in wadatashi dheer kadib la goΓ’β¬β’aamiyay in Imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 la qaado oo ay Ardayda u fariistaan 18-ka ilaa 22-ka Juun, 2022.
Wasaaradda ayaaΓΒ ku boorisay, isla markaasna ka rajeyney dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka, sidoo kalena waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana ka dalbatay in ay ardayda ku garab-siiyaan diyaar garowgooda.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka sanadkaanΓΒ ku wargelisay ΓΒ in loo diyaarinayo aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada