Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aan ay ku joojisay dhoofinta dadkii Soomaaliyeed ee shaqo doonka ee dalka dibaddiisa loo dhoofin jiray iyo shaqaaleysiinta shaqaale cusub.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Xukuumadda ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in muhiim ay tahay la yareeyo xaddiga shaqo la’aanta ka jirta dalka gudihiisa ee saameynta ku yeelatay noloshada Bulshada Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa tilmaamtay in hay’addo iyo shirkaddo ay si sharci darro ah dalka dhoofiyaan shaqaale Soomaaliyeed, iyada oo aan Wasaaradda Shaqada lagu wargelin, sidoo kalena aysan jirin heshiisyo laba geesood ah oo shaqosiin dibaddeed ah.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu xaqiijiyay inay jiraan tacadiyo iyo xad-gudubyo lagula kaco dadkii loo dhoofiyay dalka dibaddiisa, kuwaasi ah oo cabashooyin soo gaarsiiyay Wasaaradda, isla markaana keentay Go’aanka deg-dega ah ee la qaatay.
Gaba-gabadii Wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in la joojiyay in shirkad ama hay’ad adeeg shaqosiin bixisa aysan shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed nooc kasta ha’ahaadeen aysan qoran karin, isla markaana u dhoofin karin dalka dibaddiisa, lana baabi’iyey ruqsadihii iyo shatiyadii hore.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay Wasaaradda Shaqada dowladda.