Hadal ka soo baxay Dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay inay 1.5 million oo Dollar ugu deeqday Somalia, si wax loogu qabto dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Fatahaadda Webiyadda Shabelle iyo Jubba ee ku habsaday qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.
Danjiraha Shiinaha u jooga Somalia, Qiyaan Jiyaan ayaa sheegay inay Dowladiisa gio’aansatay inay DFS ku wareejiso Lacagtaasi, si loogu taageero Dadka waxyeelladda kala kulmay Daadadka Webiyadda.
Waxa uu carrabka ku dhuftay in ay Shiinaha ka go’an tahay inay Soomaalida is-garab taagaan xilliga adag oo ay ku jiraan, maadaama uu Labada Waddan ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer.
Deeqdan ayaa timid, kadib, markii uu Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Samafalka Somalia ee OCHA ku dhawaaqeen inay 718,000 oo Soomali dhibaato ka soo gaartay daadadkii dhaawaan ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Somalia.