Iyadoo ay Dowladda Raashiya ku hawlan tahay Dagaalka Daacish ee dalka Syria ayaa waxa uu Diplomaasi Raashiyaan ka shanqariyey inay Xarakadda Alshabaab khatar ku tahay dalalka Mandiqadda.
Ku-xigeenka Wakiilka Joogtadda ee Dowladda Raashiya u jooga Golaha Ammaanka ee QM, Peter Ilichev ayaa sheegay in muhiim tahay in la adkeeyo cududa Ciidan ee Hawlgalka AMISOM iyo kuwa Ciiddanka Dowladda Federalka.
Diplomaasiga oo xalay ka hadlay Shirkii Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna tilmaamay inay xaalladda Siyaasadeed iyo Milliteri ee Somalia ay lama huraan ka dhigayso inay QM kaalmo Farsamo iyo mid qalab siiyaan AMISOM iyo Ciiddanka Somalia.
Ku-xigeenka Wakiilka Joogtadda ee Dowladda Raashiya u jooga Golaha Ammaanka ee QM, Peter Ilichev waxa uu sheegay inay Dowladda Raashiya aad uga walaacsan tahay Dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab ee sii kordhayo iyo Xiriirka ay la leeyihiin Kooxaha hubeysan ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan Xiriirka ay la leedahay Islaamiyiinta sida Boko Haram Nigeria, Alqaacidada Maqrib ee Galbeedka Afria iyo Ansaaru Diin.
Wakaalladda Wararka ee TASS ayaa ka soo xigatay Diplomaasiga inuu  walaac ka muujiyey inay Xarakadda Alshabaab khatar xooggan ku hayaan dalalka Kenya, Ethiopia iyo Djibouti.
Xigasho: TASS
© Radio Dalsan