War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in in ka badan 70 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab lagu dilay ilaa 30 kalana waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Dowladda ayaa sheegtay in xubnaha la dilay lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150-Shabaab, kuwaas oo isugu jiray xubno ka baxsaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda.
“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo Al-Shabaab ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan†ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya
Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay iyo habeen hore ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka howlgalo khasaare badan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanada kala ah Carfuuda iyo Ruunirgood oo ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhexe iyo Mudug.