Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xaashi Carabeey oo ay wehliyaan xubno ka Tirsan Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay Shirweynaha E & P Africa oo  lagu qabtay Magaalada London.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ugu qeybgalay Shirka aaladda fogaan aragga ee (Zoom Meeting)Â Â ,Shirakan ayaa waxaa ka qeyb-galay Dhammaan Shirkadaha ka Shaqeeya Baarista soo Saaridda iyo Suuq-qeybta Shidaalka Qaaradda Africa ,
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa Shirweynaha ku soo bandhigtay Sooyaalka Taariikhda Shidaalka Soomaaliya iyo Fursadaha ka jira dalka ee ay ka faa’iideysan karaan Shirkadahaas.
Shirweynaha E & P Africa ee lagu qabtay Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Dhammaan Shirkadaha ka Shaqeeya Baarista soo Saaridda iyo Suuq-qeybta Shidaalka Qaaradda Africa.