Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta oo khamiis ah daah furay Barnaamijka Gurmadka Degdega ah ee looga Jawaabayo abaaraha dalka ka taagan.
Barnaamijka oo ay iska kaashadeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM, WFP iyo UNICEF ayey maalgelisay Dawlada Ingiriiska.
Ergayga ayaa munaasabadii furitaanka u mahadceliyey Dawlada Ingiriiska, isagoo xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xiriirinta iyo fududeeynta gargaarka lagu taakulaynayo dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen.
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka Abaaraha ayaa waxaa oo kaloo uu ka mahadceliyey Jawaabta degdeg aha ee ay dawladaha deeqaha bixiya iyo kuwa Qaramada Midoobay ka baxiyeen qayladhaantii ergayga..
Ergey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wada dadaalo kala duwan oo gurmad loogu sameeynayo dadka ay Abaaraha saameynta ku yeesheen, wuxuuna horey CC Shakuur Warsame ula kulmay Beesha Caalamka oo uu ka dalbaday inay dowladda SOomaaliya ka taageeraan sidii gargaar loo gaarsiinta dadka ay Abaarta saameeysay.