Dowladda Masar ayaa u soo bandhigtay Dowladda Federalka Somalia qorshe lagu horumarinayo Dekedda magaalladda Berbera, si looga dhoofiyo Xoolaha iyo Badeecadaha Somalia ee ku wajahan dalka Masar.
Wasaaradaha Beeraha, Iskaashiga Caalamiga, Gnaacsiga iyo Wershadaha ee dalka Masar ayaa soo bandhigtay Iskaashiga cusub ee Dowladaha Masar iyo Somalia oo ku aadan Horumarinta Dekedda Berbera.
Wargeyska Maalinlaha ee Almasri Alyoom ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray  inay Dowladda Masar horumarinayso dhamaan Inkaaniyaadka muhiimka u ah  Daryeelka Fayo-qabka Xoolaha iyo Kawaanadda, kuwaasi oo ay maalgelin doonaan Ganacsatada iyo Soo-dejiyayaasha Reer Masar.
Hadalkan Yididiiladda leh ee ka soo baxay Dowladda Masar ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu Wasiirka Beeraha ee dalka Masar, Saalax Al-hilaal jimcihii la kulmay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Dowladda Federalka Somalia, Saciid Xuseen Ciid oo haatan booqasho ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
Dhinaca kale, Madaxa Ururka Lo’leyda Afrika (President of the African Association of Cattle) Xasan Xafaaz ayaa sheegay inay Labada Wasiir wada saxiixdeen Iskaashi wadajir ah oo ay labada Waddan isaga kaashan doonaan dhinacyadda Ganacsiga Cuntooyinka, Daawooyinka iyo Qalabka Guryaha.
Qoraal uu soo saaray Mas’uulkaasi ayaa waxa uu ku sheegay inay Masar dananayso inay Somali ka soo dhoofsadaan Kalluunka iyo Lo’da.
Xigasho:-Al-Masry Al-Youm