Taliyaha Ciiddanka Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin War saakayto lagu soo daabacay Wargeyska Daily Nation oo lagu sheegay in la qabtay Labo nin oo waxyaabaha qarxa ku rakibi lahaa Dhismo uu Madaxweyne Uhuru ku soo xirayey Tababar u socday Saraakiil ka tirsan Boliska dalkaasi.
Hadal qoraal oo uu maanta  soo saaray waxa uu  ku beeniyey in la qabtay dad dad doonayey inay bam ku rakibaan goobtaasi.
“Qof ayaa la helay isagoo Taransitorka Raadiyayaasha ku watay boorsadiisa, inta ay socotay baaritaanka Ammaanka, waana la xiray, si loola yeesho Su’allo dheeraad ah†ayuu yiri Taliyaha Boliska Kenya.
Wuxuuna intaasi ku daray in ninka la qabtay uu Boliska u sheegay inay Transistorka soo siiyeen Qaraabadiisa ku nool Deegaanka Garsen , si uu dayactir uga dhigto.
Qabashadda labada nin ayaa timid, wax yar ka hor inta uusan Madaxweyne Uhuru Kenyatta imaanin Dhismaha Tababarka loogu xirayey in ka badan 1,900 Askari.
Uhuru Kenyatta waxa uu Madaashaasi kaga  dhawaaqay in loo baahan yahay 10,000 oo Saraakiil Bolis oo dheeraad ah, si ay kaalin uga qaataan Ka-hortagga Dembiilayaasha iyo inay sugaan Doorashadda dhici doonta sannadka soo socda.
Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay Bishii hore ee Feberayo 26-dii Abaalmarin Lacageed oo dhan 8 million oo Shillinka Kenya dul dhigeen 4 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, oo lagu kala magacaabo Cabdullahi Isaaq, Idris Isaaq, Axmed Uweys iyo  Maxamed Shide.
Dadkaasi ayaa lala xiriirinayaa weerar lagu qaaday Bas ku sii jeeda Mandera oo ay ku geeriyoodeen 28 qof iyo dilkii Shaqaale ka tirsan Muruq-maalka ka shaqeysta Kaawooyinka Dhagaxa ee Mandera.
©Radio Dalsan