Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa deeq qeyb ah Gurmadka Qaraxyadii Zoobe kala wareegey Dowladda Kenya.
Dowladda Kenya ayaa ka mid noqotey Dowladaha ka qeyb qaatey Gurmadka masiibadii ka dhalatey Qaraxyadii Al-shabaab ay ka geysteen Isgoyska soobe ee magaalada Muqdisho 29-kii October iyagoona keeney diyaarad sidey cuntooyin nafaqo ah oo isugu jiro noocya kala diwan.
Waxaa garoonka diyaaradadaha ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho ka socda soo dhaweyn iyo la wareegidda gurmadyada ka imaanaya dalalka dariska la ah Soomaaliya oo kasoo jawaabey baaqii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in looga soo gurmado musiibadii ka dhalatey Qaraxyadii ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee ku taalada Isgoyska soobe.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda Kenya oo ka qeyb qaadatey gurmadka dhaawacyadii soobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin.