Wasiirka Gaadiidka dalkaas James Macharai ayaa sheegay in dowladdu aqoonin awooda Garoonka Diyaaradaha Millateri ee ku yaalla Mandera,waxa uuna su’aal ka keenay badqabka Diyaaradaha adeegsada dhabaha ay Diyaaradaha ka kavaan,kuna soo degaan ee Garoonka.
Wasiirka oo la hadlay Guddiga Gaadiidka ugu qaabilsan Barlamaanka Kenya waxa uu tilmaamay inuusan jirin Diiwaan muujinaya inuu Garoonkaasi leeyahay Heerka lagu qiyaaso mugga Dhabaha ay Diyaaradaha adeegsadaan ee PCN oo ay Hay’adda Duullimaadka Caalamiga ku qiimeyso Garoomadda Diyaaradaha.
“Baarayaal ayaa loo xil-saarayaa qiimeynta Dhabaha ay Diyaaradaha adeegsadaan ee Garoonka Mandera, si loo qiimeeyo Badqabka Diyaaradaha adeegsan doona Dhabahaai†ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka ee Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Garoonka Mandera waxaa isticmaala Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Helikopterada Milliteriga Kenya ee Hawlgalladda duqeynta iyo Gurmadka ka fuliya Xuduudka somalia iyo Diyaaradaha Rakaabka ee nooca JESNA iyo kuwa kale ee mug-qaadkodoa kooban yahay.
Â