Magaalladda Nairobi waxaa maanta lagu soo gebagebeeyey Kulan Khaas ah oo ay Dowladda Kenya la lahaayeen Siyaasiyiin iyo Odayaal ka socday Beesha Marayxaan, oo looga hadlay Iskaashiga dhinaca Ammaanka ee Xuduudka Somalia iyo Kenya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inuu Heshiiskaasi wax ka tari doono Dhaqdhaqaaqa Ciiddanka Kenya ee ka hawlgala Goballadda Gedo iyo Jubbooyinka.
Shirkaasi Farsamo oo socday muddo 3 maalmood waxaa ka qeyb galay Saddex Ra’isul-wasaarayaal hore, Xildhibaano, Wasiiro, Aqoonyahanno iyo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Marayxaan.
Cabdi Shirdoon Saacid oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday Somalia ayaa ka mid ah Siyaasiyiintii ka qeyb gashay Shirkaasi, wuxuuna sheegay in Iskaashiga Dowladda Kenya iyo Beesha Marayxaan uu fure u yahay sidii wax looga qaban lahaa Amni la’aanta, gaar ahaan Argagixisadda.
Waxa uu xusay in Shirkaasi looga dan lahaa sidii labada dhinac uga shaqeyn lahaayeenAmmaanka, Nabadda iyo Horumarka labada dhinac ee Xuduudka.
Shirkaasi ayaa ku soo aaday iyadoo Dowladda Kenya horey ugu eedeysay Beesha Marayxaan inay ku lug lahaayeen weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku dileen Ciiddamo Kenyan oo ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Sidoo kale, Siyaasiyiinta Beesha Marayxaan ayaa rumeysan inay Dowladda iyo Ciiddanka Kenya la safan yihiin Maamulka Axmed Madoobe, iyadoo labada beelood uu ka dhexeeyo Xifaltan caynba cayn ah.
©Radio Dalsan
Â