Dowladda Japan ayaa si rasmi ah ugu deeqday Soomaaliya qalab casri ah oo muhiim u ah hawlgallada Booliska, gaar ahaan qeybta miino baarista. Deeqdan oo ka kooban agabkii ugu dambeeyay ee teknoolojiyada, ayaa lagu wareejin doonaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana deeqdan muhiimad weyn u leedahay xoojinta awoodda Booliska ee la dagaallanka walxaha qarxa.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Japan taageerada qiimaha badan ee ay bixisay. Taliyuhu wuxuu si gaar ah uga hadlay muhiimadda qalabkaan, isagoo tilmaamay in uu yahay mid ka hortagaya walxaha qarxa, isla markaana ay qayb ka tahay dadaalka lagu xoojinayo awoodda miino baarista ee ciidamada Booliska.
Qalabkaan casriga ah, oo ah mid si gaar ah loogu talagalay in lagu hormariyo waxtarka ciidamada Booliska ee ka hortagga qaraxyada, ayaa qeyb ka ah qorsheyaasha ballaaran ee Dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo awoodda ciidanka. Qorshahan waxaa sidoo kale taageeraya Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Miino Baarista ee UNMAS, kuwaas oo bixiya tababarro iyo farsamooyin casri ah si loo xoojiyo hawlgalada ka hortagga miinooyinka.
S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xusay in qalabkaan lagu soo gaarsiiyay xilli muhiim ah oo uu boolisku u baahnaa, taasoo muujinaysa in taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ay tahay mid lagu tixgelinayo loona baahan yahay.
Dowladda Japan ayaa ka mid ah dowladaha si joogto ah u taageera horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo ka hortagga halista qaraxyada.
Talaabadan ayaa muujineysa xiriir xooggan oo ka dhexeeya labada dal, iyadoo Dowladda Japan ay diyaar u tahay in ay sii waddo taageerada dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo heli lahaa qalab iyo tababarro lagu hormarinayo adeegyada ammaanka ee dalka.