Safaaradda Djibouti ee Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray  Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Eritrea  laga qaado.
Qoraalka Safaarada ayaa waxaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Madaxweyne Farmaajo uu si indho la’aan ah u taageero Eritrea,iyada oo Wiilashooda ay difaacayaan dadka Soomaaliyeed.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka oo ahaa Luuqada Englishka balse la turjumay.
Waa wax laga xumaado in Farmaajo uu dalbado in dowladda Eritrea oo ah dal qaska wada dalalka deriska,isla markaana taageera Al-Shabaab iyo Kooxaha Argagaxisada ah in cunaqabateyntii la saarey Sanadkii 2009-kii laga qaado.
Ma’ahan wax la aqbali karo in Walaalaheen Soomaaliyeed ay taageeraan cadawgeena laakin waxa ay xaq u leeyihiin in dalkasta oo Gobolka ka mid ah ay xiriiri la sameeyan ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Djibouti ee Soomaaliya.
Jabuuti waxaa dagaalkii Eritrea uga dhintay Rag iyo dumar weli maskaxdooda aan ka baxeyn welina xiisadii waa jirtaa laakin qoraalka Madaxweyne Farmaajo waxaa ku wanaagsaneyd in uu ku jiro in weli uu jiro muranka dhulka ee u dhaxeeya Eritrea iyo Jabuuti.